Himilo – Falastiin waxay astaan u tahay baahida loo qabo caddaalad caalami ah, sida uu sheegay Prof. Salman Sayyid oo ka tirsan Jaamacadda Leeds ee UK, isaga oo ka hadlayay shir caalami ah oo lagu qabtay magaalada Istanbul.
Sayyid ayaa qeyb ka ahaa aqoonyahanno iyo cilmi-baarayaal caalami ah oo ka baaraan-dega xaaladda Muslimiinta iyo islaamka xilligan casriga ah.
“Waxa ka socda Falastiin waa muujin dhab ah oo muujinaysa sida Muslimiintu ugu yaryihiin awoodda ay ku saameyn karaan go’aamada caalamka iyo dowladahooda. Tani waxay kashifeysaa guul-darrooyinka nidaamka caalamiga ah,” ayuu yiri Sayyid.
Wuxuu xusay in haddii caalamku uusan awoodin inuu badbaadiyo dadka Falastiin ee dhibaataysan ay taasi tahay sabab lagula xisaabtamo nidaamka caalamiga ah ee hadda jira.
Sayyid wuxuu xusay in halganka Falastiin uu noqday mid ay dad badan isku garab taagaan dunida dacaladeeda, gaar ahaan dowladaha qaar ee Latin America kuwaasoo xiriirka u jaray Israa’iil,
“Dadku waxay bilaabeen inay su’aal geliyaan nidaamka loo arkayay inuu yahay mid caddaalad ah, balse u muuqda mid u adeegaya xoogagga reer galbeedka oo weli haya nidaamyo gumeysi ah sida Israa’iil,” ayuu yiri.
Wuxuu ku dhaleeceeyay warbaahinta iyo jaamacadaha reer galbeedka inay muddo dheer xannibeen ama ka leexiyeen fikirka iska-caabbinta tan iyo dagaalkii qaboobaa, taasoo sababtay in laga baxo doodaha ku saabsan caddaaladda iyo iska-caabbinta dadka la dulmiyay.
“Waa in aan dhisno midnimo iyo iskaashi caalami ah si loo gaaro adduun caddaalad ku dhisan. Halkaas ayaa laga bilaabi karaa xornimada dhabta ah.”
Wuxuu sidoo kale xusay in in kasta oo dalal badan oo Muslim ah ay heleen madax-bannaani 50 ilaa 70 sano kahor, haddana aysan weli gaarin madax-bannaani siyaasadeed oo dhab ah.
“Haddii dowladuhu aysan go’aanadooda si madax bannaan u gaari karin, doorashadu wax micne ah ma leh. Xorriyaddu waxay bilaabataa marka shacabka ay yeeshaan dowlado si buuxda ugu adeegaya rabitaankooda, halkii ay uga amarqaadan lahaayeen quwadaha dibadda,” ayuu yiri.