Himilo – Bulshada caalamka waxey la daalaadhaceysa digniino isi soo taraya oo la xiriira colaado, qiimo kororka xagga cuntada iyo shidaalka ah, oo lagu daray masiibooyin ka dhashay cimilada is baddelaya.
Iyada oo ay jiraan dhibaatooyinkan is biirsaday oo si darran u saameeyay sugnaanta cuntada adduunka, ayaa waxaa la qasaariyaa sanad weliba balaayiin ton oo cunta ah.
WFP, barnaamijka cuntada dunida, ayaa sheegtay in seddax meelood meel ka mid ah cuntada lasoo saaro la qasaariyo, taasi oo ka dhigan in sanad weliba dadyowga caalamku lumiyaan 1.3 bilyan oo ton oo cunta ah oo ku kaceysa qiima ku dhaw $1 tirilyan.
Cuntadaasi waxey si waafi ah ugu filnaan lahayd laba bilyan oo ruux oo ah laba laabka tirada dadka la ildarran nafaqa darida ee maanta ku dhaqan caalamka.
Qasaarinta ugu badan waxey ka dhacdaa wadamada hodanka ah, halkaasi oo isticmaalayaasha cuntada ay beerdareeyaan xaddi ka badan inta ay sanadkii soo saaraan beeraleyda dalalka saxaraha ka hooseeya ee Africa.
Hababka loo qasaariyo cuntada waa ay kala duwan tahay, tusaalle dalalka soo koraya 40% cuntada lasoo saaro waxey luntaa inta u dhaxeeysa marka lasoo gurayo illaa inta laga diyaarinayo, halka kuwa warshadleyda ahna xaddi midkaas la mid ah lagu waayo gacanta ganacsatada iibisa iyo isticmaalayaasha, sida ay sheegtay FAO.
Dadyowga ku nool wadamada saboolka ah xaddi cunto oo badan ma lumiyaan marka laga reebo inta u dhammaata suuq la’aanta oo ay cayayaannadu ku baabi’iyaan bakhaarrada lagu keydiyo.
Xaqiiqdan waxaa sidoo kale ku daaban mid kale oo qaraar, qiyaasaha hay’adda cuntada iyo beeraha Qaramada Midoobay ayaa muujinaya in cuntada la qasaariyo laga soo saaro 1.4 bilyan oo hector oo u dhigma 28% dhul-beereedka adduunka.
kuma koobna intaasi, waxaa sanadkii lagu waraabiyaa xaddi biyo oo ka badan seddax jibbaar inta ku jirta harada Jeneefa iyo wabiga Volga ee ku yaalla Ruushka.
Mid ka mid ah waxyaabaha sii xoojinaya beerdareynta cuntada, waa caadooyinka ay qabatimeen dadyowga qaar, kuwaasi oo soo iibsada qiyaastii cunto ka badan inta ay u baahan yihiin.
Caadadan waxey badanaa ka jirtaa dalalka qaniga ah, waxaase la yaab ah in xittaa wadama saboolka ah sida dalkeenna ay ka dhex jirto, iyada oo xaafadaha hortooda lagu arko cunto bisil oo taalla.
Inkasta oo ay caadadan xun door ka qaatado sii socoshada qasaarinta cuntada haddana, nasiib wanaag waa mid la iska goyn karo.
Keliya si aad u badbaadiso nolosha ruux kale oo la il-daran nafaqo darri, qaado oo iibso xaddi cunto oo kugu filan.
