Home / Dhaqaale / Google oo magdhaw lacageed siineysa dad ay u diiday shaqooyin!

Google oo magdhaw lacageed siineysa dad ay u diiday shaqooyin!

Himilo – Shirkadda Google ayaa ku dhiiratay inay xal u hesho dacwad ka dhan ah oo ay ku soo oogeen dad u soo shaqo doontay oo sheegay in lagu faquuqay da’da ay jiraan.

Google ayaa 11 Milyan oo doolar siineysa inka badan 200 qofood oo shaqo weydiistay shirkadda balse loo diiday sabab ay aaminsan yihiin inay tahay da’dooda oo kor u dhaaftay 40 sanno.

Inkastoo Google qaadatay go’aanka ah inay xaliso dacwadda haddana waxay beenisay in dadka loogu diiday shaqada sabab ku qotonta da’dooda.

Warbaahinta Mareykanka ayaa qortay in shirkadda tilmaamtay in codsadayaasha shaqooyinka ku guuldareysteen inay ka soo baxaan tijaabada hal-abuurka tiknolojiyadda.

Flix oo ah qareen u doodayay dadka ayaa xusay in faquuqa da’da tahay arrin loo baahan yahay in wax laga qabto marka la joogo shaqooyinka tiknolojiyadda.

Waxa uu intaa raaciyay “waan ku faraxsanahay in aan xal cadaalad ah u helnay shaqaalaha.”

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan