Home / Caafimaad / Haweenay aan maqli kerin keliya codka ragga!

Haweenay aan maqli kerin keliya codka ragga!

Himilo FM – Haweenay u dhalatay dalka Shiinaha ayaa laga helay xannuun ku dhaca maqalka oo naadir ah kaasi oo qofka ka dhigaya inuusan maqli karin codadka hoose gaar ahaan codka ragga.

Warbaahinta Shiinaha ayaa qortay in haweenayda oo ka soo jeeda Xiamen oo katirsan xeebta koonfureed ee dalkaasi inay xilli subax ah dareentay inay si wax ka yihiin islamarkaana aysan maqli karin codka saaxiibkeed.

Habeen kahor waxay haweenayda ka cabanaysay guux dhinaca dhagaha ah hase ahaatee waxay istustay in hurdo wanaagsan oo ay qaadato inay ku wanaagsanaaneyso, waxayna tagtay sariirteeda.

Way naxday subaxdii markii ay xaqiiqsatay inaysan waxba ka maqli karin saaxiibkeeda oo garab fadhiya. Waxaa loola cararay isbitaal, waxaana dhaqaatiirka shaaciyeen inay Ms. Chen ka cabaanayso xaalad caafimaad oo ku dhacda maqalka oo waliba naadir ah.

“Way I maqshay markaan la hadlay hase ahaatee waxba way ka maqli weyday bukaan rag ah,” sidaasi waxaa tiri Lin Xiaoqing oo ah haweenay dhaqtar ka ah isbitaalka Qianpu Hospital.

Xogaha caafimaad ayaa muujinaya in xaaladda caafimaad ee heysata haweenayda inay saameyso 1-kii qof ee kamid ah 13,000.

Waxaa intaa lagu daray inay adag tahay in la oggaado xannuunka oo uusan sheegi karin marka hore qofka dhaqtarka ah.

Dhaqtarka Xiaoqing ayaa aaminsan in walwal badan oo hayay haweenayda inuu sii xumeeyay xaaladda oo ka dhigtay inaysan maqli karin keliya codka ragga.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan