Himilo – Jilaa 36-jir ah oo u dhashay dalka Taiwan ayaa geeriyooday markii uu ku sinbiriiraxday musqushiisa qubeyska.
Boliiska xaafadda uu deganaa Alien Huang, ayaa sheegay in muqaalada ay duubtay Camera-da CCTV ay muujinayaa jilaagu inuu kali ku ahaa gurigiisa.
Mar uu qubeysanayey ayey lugta u baxday taas oo dhalisay inuu madaxa dhulka ku dhufsado dabadeedna dhiig badan ka baxo, sida baaritaanada hordhaca ah muujinayaan.
Waxey baarutaanadu sheegayaan sidoo kale in aanan la helin wax cadeymo ah oo muujinaya in dhimashadiisa uu ku lug lahaa ruux kale.
Jilaakan ayaa caan ka ahaa maslaxaha Madadaalada Tiawan tan iyo 18-jirkiisii, isaga oo jeediye ka ahaa barnaamij caruureedkkii Follow Me, Go!, kahor intii uusan ku biirin kooxda isku dhafka ah ee HC3.