Himilo – Aragtida ah inaad yeelato jasiirad waxay u muuqataa mid qariib ah ama male ah. Balse hantiilayaasha gacantu u buuxdo waxay u tahay wax iska caadi ah.
Labo nin ayaa dunida tusay in riyada ah yeelashada jasiirad inay tahay wax la sameyn kara kadib markii ay rumeeyeen qorshe iyo go’aan cajiib ah oo ay jasiirad ku hantiyeen.
Gareth Johnson iyo Marshall Mayer ayaa iibsaday jasiirad dhan oo ku taalla Caribbean-ka. Waxay sheegeen inay dalkooda ka mid dhigayaan. Waxay ku gateen lacag ay aruuriyeen.
Mashruuca lacag aruurinta waxay bilaabeen 2018. Waxay ciwaan ololaha uga dhigeen ‘Aan Iibsanno Jasiirad’. Waxay aruuriyeen $250,000 oo ay ku iibsadeen Coffe Caye oo ah jasiirad aan la deganayn.
Coffe Caye waa jasiirad yar, keliya daqiiqado ayay ugu qaadaneysaa inaan socdaal uga kala gudubto dacaladeeda, balse waxay leedahay muuqaallo qurux badan sida xeebo soo jeedasho leh.