Himilo – Louise Jean Signore oo ah haweenay ku nool Mareykanka ayaa noqotay toddobaadkan 107 jir iyadoo xaflad gaar ah oo loo sameeyay ay ka qeyb galeen inka badan 100 qofood.
Louise ayaa dhalatay sannadkii 1912-kii oo ah isla sannadkii uu dagay markabkii Titanic, waxaana madaxweyne ka ahaa Mareykanka William Howard Taft.
Haweenayda aan waligeyd guursan ayaa ka hadashay sirta ka danbeysa da’da fog oo ay gaartay iyadoo xustay qoddobo ay ka dhalan karto dood badan.
Sida laga soo xigtay warbaahinta CBS, haweenayda ayaa si wanaagsan u qabsata howl maalmeedkeeda gaarka ah iyadoo aan ka cabaneyn xannuun nuuc kasta oo uu yahay.
Iyadoo ku faaneysa inay asal ahaan ka soo jeedo Talyaaniga, Louise ayaa aaminsan in cuntada guriga ee hagaagsan iyo cunista khudrada inay kaalin wanaagsan ka qaateen da’da fog oo ay jirto maanta.
Marka laga yimaado taasi, waxaa jirta sabab weyn oo ay rumeysan tahay haweenayda oo qofka ka caawin karta in uu gaaro cimri dheer.
“Sirta da’deyda waa in aanan guursan waligey,” ayay tiri haweenayda 107 jirka ah.
Sababta ayay u tiirisay in guurka uu leeyahay walwal badan oo qofka la soo darsaya inta uu nool yahay, taasi oo saameyn tabban ku yeelan karta caafimaadkiisa.
Khubarada ayaa aaminsan in da’da fog ku xeran tahay taariikhda dhaxal ee qofka, marka la fiiriyo qoyska Louise, hooyada dhashay ayaa ku geeriyootay da’da 97 sanno jir.