Home / Habka-Nolosha / Masjid afuriya in ka badan 500 oo muslimiin ah

Masjid afuriya in ka badan 500 oo muslimiin ah

Himilo – Kaddib muddo laba sano ah oo uu jiray feyruska Karoona, Masaajidda Yurub si gaar ah kuwa UK waxey dib u billaabeen qabashada afur-wareedyo, Tukashada taraawiixda iyo barnaamijyadii u gaarka ah bisha soon.

Masjidka bariga London- oo ah kan ugu wayn yurub-, waxa uu si maalinle ah u afuriyaa in ka badan 500 oo ruux oo sooman, si loo xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya bulshada kala isirka ah ee ku midoobay diinta Islaamka.

Dhammaan cuntooyinkan oo leh timir, bariis biryani, salar, hilib digaag iyo dhalooyin cabitaan ah, ayaa lagu diyaariyaa hal goob, waxaa kariya samafalayaal, waxaana lagu cunaa madal qura marka la gaaro xilliga afurka.

Waxaa hirgalinta afur-wareedka iskakaashada maamulka Majidka, xarunta muslimiinta London iyo tan kale ee Maryam Center. Dilowar Khan, agaasimaha waaxda maaliyadda masjidka ayaa sheegay in sanadkan barnaamijka afurinta hal-ku-dhagg looga dhigay “Tiri Nimcooyinkeenna,” si Muslimiinta loo xusuusiyo nimcooyinka ay ku naaloonayaan ee u gaarka ah.

Marka la afuriyo inta sooman, cunatada kale ee soo harta ayaa lagu quudiyaa dadka hooy la’aanta ah ee ku nool wadooyinka London.

“Masjidka bariga London iyo xarunta muslimiinta ee magaalada waa ay sii wadi doonaan taageeridda kuwa mudan Soon iyo kadib ba,” ayuu yiri agaasime Khan.

Waxaa afruintaasi barbarsocda barnaamij lagu taageero qoysaska nugul ee uu saameynta taban kaga tagay karoona, iyada oo la siiyo cunto.

In ka badan 100 qoys ayaa ka faa’iideystay tan iyo markii uu billawday horraantii bisha Ramadaan. Sufia Alam, oo madax ka ah barnaamijkaasi ayaa sheegtay in masjidku u furan yahay ruux weliba, ayna isku dayayaan inay caawiyaan kuwa mudan gacan dhiibka.

Qaar badan oo ka mid ah dadka ku nool London, ayaa shaqadoodii waayay intii lagu jiray xayiraaddii karoona. Inkasta oo la qaaday hadda waxaa xaalka sii adkeeyay colaadda Yukreyn  oo sababtay qiima koror ku yimid shidaalka iyo sicirbarar.

 

About Sadia Nour

error: Copy lama Ogola Fadlan