Himilo – Seddax dhaqtar oo kasoo kala jeeda Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa sanadkan si wada jir ah loo gudoonsiiyay biladda nabadda ee Nobel Peace Prize-ka teeda lagu abaal mariyo culimada wax ku kordhiya cilmiga caafimaadka.
Harvey J. Alter iyo Charles M. Rice oo ameerikaan ah iyo Michael Houghton oo british ah, ayaa magacyadooda looga dhawaaqay xarunta hay’adda bixisa biladda ee magaalada Stockholm.
Waxaa laga abaal mariyay dedaalkii ay galiyeen soo helidda feyruska sababa Cagaarshowga noociisa seddexaad, kaas oo sanadkii kumanaan ruux ku dila caalamka.
Juhdigooda oo u laabanaya sanadihii 1970-yadii iyo 1980-yadii, waxa ay ku sharaxeen isha ugu wayn ee xanuunka Cagaarshowga noociisa beerka ku dhaca, taas oo aan horey loogu faah-faahin dedaaladii lagu soo helay noocyada 1-aad iyo 2-aad.
Waxa taasi ay gacan ka geystay in la badbaadiyo nolosha malaayiin ruux oo la noolaa xanuunkaasi. Sida ku cad xogta WHO, in ka badan 70-milyan oo kiisas Cagaarshowga nooca seddexaad ah ayaa laga diiwaan galiyay dunida oo dhan, dad lagu qadaro 400-kun ee ruux-na waa ay u geeriyoodaan sanadkii