Home / Macluumaad / Miyuu geyaa gabood-fal?

Miyuu geyaa gabood-fal?

Himilo – Halka ugu badan ee laga helo waa Shiinaha, waxa uu cuni karaa 2,722 kg sannadkiiba, hadduu daryeel helo wuxuu noolaan karaa ilaa 40 sanno, asal ahaan waxaa laga helay Africa iyo Bariga Dhexe, waxa uu qaadi karaa 160 kg! Sidkiisu waa 12  ilaa 13 bil.

Dabeecadihiisa kale waxaa ka mid ah ma jecla roobka sidaa daraadeed xilli roobaadka waxaa ku dhaca cudurro, waxa uu xasuusan karaa meel uu ka maqnaa 25 sanno! Inaad garatay ayay u badan tahay waa dab-jooga Dameer.

Dameer waa eray isagoo sidan u dhigan labo si loogu dhawaaqo mar noqda lab, marna dheddig, isku geyn waa gammaan la rarto, ka yar faraska, leh dhego dhaadheer, guud gaaban iyo midab bey ah.

Dhawr nooc oo dameero ah ayaa jira waxay ku kala duwan yihiin dhererka iyo culeyska. Noocba meel ayuu ku badan yahay isagoo leh astaamo iyo arrimo u gaar ah, haddda qallinka kuma sii qeybinayo, balse waad sii tix-raaci kartaa xogtooda.

Erayada loo isticmaalo dameeraha; marka la doonayo in la socod-siiyo waxaa la yiraahdaa Hag. Marka la rabo in loo yeero waxaa lagu tiraabaa Kooy ama Hoo dameer ceel ku dhacday kooy,kooyna waa lagu dayaa

Labka iyo dheddiga erayga dameer ayaad u wada adeegsan kartaa adigoo dhawaaqa kala duwaya, balse labka weyn waxaa lagu garan ogyahay Muun, halka marka uu yaryahay la yiraahdo Qayl . Mid kasta oo dhasha horey ayuu ka istaagaa.

Dameeraha waxay wax ka maqli karaa fogaan dhan 60 miles. Waxay jecel yihiin u wada socoshada koox-koox. Waxay ku wanaagsan yihiin go’aan qaadashada markay timaado badbaadadooda. Hadday dareemaan wax qaldan horey uma socdaan!

Dadka Soomaaliyeed deegaankooda waa Afrikadii laga helay dameeraha sidaaa awgeed aad ayay u yaqaanaan gammaankan. Sheekoooyinka caruurta sida kuwa laga hayo Juxaa waxaad ugu tageysaa kuwo noo tilmaamaya dameer iyo dad lahaa.  haddana way yasaan

Waxtarka dameeraha waayadii hore sidaa looguma toog hayn, waxaad ka garan kartaa murtidan iyo kuwa la mataanaha ah “dameer iyo nin saaran daymaa iga deeqda ama dameer sidii goodirba ha u boodee waa uun dameer” nuxurka halkan ku jira ayaa ah liidid.

Haddase gu’yaal kaddib markii la garwaaqsaday kaalintooda waxaa bilaabatay in subag looga dhigo suugaan ammaan ah sida “Gaabane Dameerow cagta gaaban mooyee, Geel muxuu ku dheer yahay?

Waxaa is weydiin mudan maxay waagii hore Soomaalidu dameeraha ugu arkayeen wax aan qiimo badan laheyn? Haddase maxaa keenay in muhiimad la siiyo ilaa murti lagu maamuuso?

Xilliyadii la liidi jiray dadka waxay lahaayeen saddexda meesi; geel, ari iyo lo’ kolka ay timaado in la dagaalamo  waxaa la adeegsan jiray faraska. Gaadiidka lagu guuro ama la dhaansado waxa ugu mudnaa ratiga. Waxaa iska yareyd baahida loo qabay.

Hab-nololeedkii mujtamaca oo isbedelay ayaa keenada (hoggaanka) u qabtay faraqa muuqda ee labada xilli, reero lahaa kadin geel, fadhi lo’ iyo tiro ama tirooyin ari ah ayaa maanta cayr ah fara madow ah ama qodoto noqday (beeralay).

Wakhtigu wuxuu soo giraan-giraba waxaa layska yimid iyadoo qofka dameer lihi ka badbaado xilliyada adag. Halka qofkii ishkinka lahaa (geel iyo lo’) uu gacan waydiistay reeraha dameeraha leh!

25.9% ayaa gaadiid ahaan loo isticmaalahaa dameeraha deegaanada miyiga sida ku cad sahan  Bankiga Adduunka uu ku sameeyay hab-dhaqanka dhaqaale ee Soomaaliya sannadkii 2002-dii.

Ku tiirsanaanta dameeraha ayaa horseeday in loo raro si xad-dhaaf ah, culeyska la saaro waxaa suura-gal ah inuu ka badan yahay miisaankooda ama intii loogu tala-galay, natiijadu waxay noqotay in laysugu daro rar garba-tir, garaac, gujeys iyo gaajo.

Dhibaateyntooda waa mushkilad jirta oo baraarujin bulsho u baahan, marka aad aragto sida loo galayo (ku tacadiga) waxaad xasuusaneysaa ‘dameer iyo ninka wada, meesha loogu xaqsoorayo Allow hayna joojin’, Miyuu geyaa gabood-falka gaabane dameer ? Sow kama mid ah duunyada aan dhaqano? dalka Ingiriiska dameeruhu waa inay lahaadaan Passport lagu aqoonsado.

Daryeelka xoolaha Rabi nooga dhigay hebedka (ogolka) waxaad kaga nabad-galeysaa cuqubadooda. Faa’iidada kale, markaad xannaaneyso waxaad ka heleysaa anfaco fiican, xil iska saarida dab-joogta iyo duur-joogta kaleba waxay udub dhexaad u yihiin nolosheenna.

W/Q :- Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed  Haaddi)

Farriin-danabeedka; Huuno2016@gmail.com

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan