Muqdisho – Zlatan Ibrahimovic iyo Marcus Rashford waxay kaalin muhiim ah ku leeyihiin Manchester United, sida uu yiri Gary Neville.
Neville ayaa rumeysan in – in kasta oo United-ka ay furan tahay helidda saxiixyo kale, hadana ay muhiim inay isha ku hayaan heysashada laacibiintan.
“Zltan wuxuu ku leeyahay door kooxda United-ka. Waxaan jeclahay ka qeyb-noqoshada naadi leh afar weeraryahan sida Zlatan, Chicharito iyo Rashford,” ayuu yiri.
“Waxaan jeclaan lahaa Ibrahimovic uu sii joogo naadiga maadaam uu door muuqda kaga soo baxay United-ka.”
Manchester ayaa si xoogan waxaa loola xiriirinayay soo iibsashada weeraryahanno xagaaga markuu dhamaado iyada oo laacibka kooxda Atletico ee Antoine Griezmann uu yahay bartilmaanteeda koobaad.