Home / Habka-Nolosha / Pogba oo Kulanka ugu horeya ganaax ku seegaya horyaalka Ingiriiska.

Pogba oo Kulanka ugu horeya ganaax ku seegaya horyaalka Ingiriiska.

FA-ga ingiriiska ayaa xajiiqiyay in wiilka dhawaan ugu soo laabtay horyaalka ee Paul Pogba uu seegi doono cayaarta ay kooxdiisa cayaareyso xili ciyaareedka cusub markaas oo ay u safrayaan kooxda Bournemouth maalinka axada ah.

United-ka ayaa dooneysay in ay kulankaan ugu horeyso tijaabiso wiilkaan dib ugu soo laabtay kaas oo ay ku qarash gareeyeen 90 Malyan Oo Pound.

“Ganaax uu talyaaniga ku mari lahaa yaa jiray, kaasoo ah laba jaale oo uu qaatay kulamadiisa Copa Italia, hadda halkaan ayuu ku qaadanaa”

bishii March Juventus ayaa la  cayaartay Inter Milan xiligaas ayuuna qaatay jaale Pogba, balse mar kale ayaa bishii May jaale la siiyay kulan ay wajaheen Ac Milan taasoo ka dhigan inuu ganaax u qorsheysnaa.

23-jirkaan heerka caalami ayaa kulankiisa ugu horeeya u safan doona ciyaarta labaad oo ay la yeelan doonaan Southampton, Jimcaha soo aadan.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan