Home / Habka-Nolosha / Sacuudiga: Daanyeer isku dayay inuu cunug afduubto!

Sacuudiga: Daanyeer isku dayay inuu cunug afduubto!

Himilo – Koox daanyeero ah ayaa isku dayay inay qabsadaan wiil shan jir ah, kaas oo qoyskiisa wakhti kula qaadaneyay keyn ku taal magaalada Al Bahah ee dalka Sacuudiga.

Goob-joogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay aad u argagaxeen xilligii dhibku dhacayay, Sida laga soo xigtay mareegta (website-ka) Sabq news site.

“Aad ayaan uga naxay qeylada hooyo iga ag dhaweyd. Markaan u istaagay inaan hubiyo, waxaan arkay daanyeer weeraraya cunug yar, hooyadii aad ayay u naxsaneyd.”

Si loo badbaadiyo wiilka dad ka ag dhawaa meesha ayaa dhagxaan ku tuuray daanyeerka ilaa ugu dambeyn lagu guuleystay samata-bixintiisa.

Markii la maqlay dhacdadan boqolaalka qof ee u nasashada taga dhulka kaymaha leh waxay xukuumadda ugu baaqeen inay qaaddo tallaaboooyin dadka lagu ilaalinayo.

Bilowgii sannadkan waxaa baraha bulshada aad ugu baahay muuqaal muujinayay daanyeero weeraraya jaamacadda Bisha. Waxaa la arkayay daanyeerada oo eryanaya ardayda si ay boorsooyinkooda cunno uga helaan.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan