Home / Cayaaro / Senegal vs Algeria – Xogta ugu mudan cayaar dhammaadka AFCON 2019
Sadio Mane of Senegal is challenged by Riyad Mahrez of Algeria during the 2019 Africa Cup of Nations Finals match between Senegal and Algeria at 30 June Stadium, Cairo, Egypt on 27 June 2019 © Ryan Wilkisky/BackpagePix

Senegal vs Algeria – Xogta ugu mudan cayaar dhammaadka AFCON 2019

Himilo -Jammaahiirta kubadda cagta sida dhaw ula socda ayaa caawa isha ku haysa garoonka weyn ee Cairo International, halkaas oo ay ku madalsanyihiin xulalka awoodda ku yimid cayaar dhammaadka AFCON 2019 ee Senegal iyo Algeria.

Labada tababare ee Aliou Cissé iyo Djamel Belmadi ayaa mid walbaahi xusul duub ugu jiraa sidii uu sooyaal cusub u diiwaan gashan lahaa, magaca koobkana dalka uu wakiilka ka yahay loogu qori lahaa wallow layliyaha Senegal uu weyn doono daafac dhexehiisa birta ah islamarkaan ah kan ugu fiican waqti xaadirkaan afrika ee Kalidou Koulibaly – kaas oo ay isu dul koreen calaamadaha hurdiga ah ee ganaaxa.

Algeria oo ku duuleysa hogaamiyahooda – wiilka heysta Premier League fasal cayaareedkii la soo dhaafay – dadabka midigna kaga cayaara Man City ee Riyad Mahrez ayaa fiidda sare laaceysa markeedii labaad kaddib 1990-kii oo ay noqotay horyaalka afrika.

Waxayse Sinigaaliyiintu dhaayaha ku hayaan geesigooda xagaagii la soo dhaafay is-daba dhigay naadiyadii magaca ku lahaa qaaradda Yurub, gacantana ku dhigay UEFA Champions League ee Sadio Mané – kaas oo markoodii ugu horreysa gacanta u saari kara Africa Cup of Nations, kagadaal guul darradii soo gaartay sanaddii 2002-dii oo ay Cameroon ku garaacday gool ku laad 3-2 ahaa cayaar ka dhacday wadankii xilligaas marti gelinayay ee Mali.

Labada xul ayaa ka soo wada baxay Group-C, kulankoodii kan ka horreeyana waxa ay guusha raacday Algeria oo kaga badisay Senegal gool iyo waxba’, waxa ayna kaga mahad celinayaan guushaas cayaaryahankooda Youcef Belaili.

Aljeeriyiintu waxa ay leeyihiin mar kale ayaan garaaci karnaa Senegal hase ahaatee Sinigaaliyiinta ayaa u arka iney fursadani tahay tii ay ku aar gudan lahaayeen.

Layliyaha Algeria ‘Djamel Belmadi’ oo ka hadlay cayaarta ayaa yiri “Waxa iska cad mar haddii aad soo gaarto cayaar dhammaadka in ujeeddada ugu weyn ee aad leedahay ay tahay keliya guul, go’aan laguma qaadan karo kulankii group-yada balse waa farqiga inoo dhaxeeya”.

Tababaraha Senegal ‘Aliou Cissé’ oo ah kii gool ku laadkii uu khasaariyay Cameroon guusha ku raacday sanaddii 2002-da Dhankiisa waa uu hadlay waxa uuna yiri ” Guuldarradeydii 2002-da weli kama aysan bixin maankeyga, waa waxa igu dhaliyay inaan noqdo layliyaha xulka islamarkaana awoodda ii siiyay inaan Senegal ku hogaamiyo cayaar dhammaadka AFCON 2019, waxaan u sheegay cayaartoyda iney la yimaadaan waxqabad ka wanaagsan jiilkeyga”.

Intaa ayuu sii raaciyay in Algeria ay tahay xul wanaagsan oo uu ixtiraamayo balse qorshahooda iminka yahay guul iyo koob.

Gunaanad

Tartanka qaramada afrika ee caawa lagu wado gunaanadkiisa  inuu ka dhaco dalka waqooyiga afrika dhaca ee Masar, waa kii 32-aad tan iyo inta la bilaabay 62 sano ka hor oo ku suntan1957.

Tan iyo waagaas 11 ka mid ah waxa ku guuleystay dalalka Waqooyiga Afrika dhaca ee Carabta, halka inta soo hartay ay guusha dhankooda tahay africada madaw.

Algeria ayaa taagan cayaar dhammaadka AFCON markeedii seddexaad taariikhda, Mar qura ayay horay ugu guuleysatay marna waa laga qaaday halka markeeda seddaxaad dacalka ku dhagantahay koobka oo ay dooneyso iney la hoyoto.

Senegal ayay u tahay markeedii labaad oo ay heerkaan soo gaareyso, markii koowaad waxa ay aheyd sanaddii 2002-dii, Cameroon ayaa ku garaacday gool ku laad 3-2 ahaa cayaar ka dhacday Mali, balse markaan ayay ku mitideysaa sidii magaceeda loogu qori lahaa AFCON 2019.

Koobkaan oo uu soo agaasimo xiriirka kubadda cagta qaaradda africa ee CAF, ayaa sanaddaan waxa ka qeyb galayay 24 xul markii ugu horreysay – maadaama dhawrkii sano ee la soo dhaafay tiradu aheyd 16 xul keliya.

Garoonka caawa lagu qabanayo cayaarta kama danbeysta ah ee AFCON 2019 waa Cairo International Stadium oo la daah furay 23 July sanaddii 1960, Waxa uu qaadkiisu yahay 75,000, waxa uuna ku yaalaa magaalada Qaahira ee xaruunta dalka Masar.

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan