Himilo – Diana Mwazi waxey ka mid tahay dhallinyarada Kenya ee u arka doorashooyinka kusoo foolka leh dalkooda wado ay ku sameyn karaan dhaqaale, balse aanan u arag fursad shantii sanaba mar soo marta oo ay ku doortaan hogaamiye isbaddel la majeerto u horseedi karo noloshooda.
Waa 20-jir waxey bartilmaameedsataa dhallinyarada shaqa la’aanta ah si ay uga qeyb noqdaan isu-soo baxyada doorashooyinka, iyada oo ku faraxsan in shaqadaasi ay u qabato xisbi weliba oo siyaasadeed.
“Soo abaabulka dadka si ay uga qeyb noqdaan ol’olaha ma ahan shaqo adeg, sababtoo ah wey fududahay inaad hesho dhallinyarada bilaa shaqada ah,” ayey Ms Mwazi, oo aanan qorsheyneynin inay codkeeda ka dhiibato doorashada Kenya ka dhaceysa bisha ina soo aadan ee August.
Siyaasiyiinta waxey u aragtaa beeneelayaal, xilliyada ol’olaha doorashooyinka ballanqaada inay shaqo u abuurayaan dhallinyarada, balse aanan waxba qaban marka ay helaan kursiga ay doonayeen.
Inkasta oo ay badnaa hesho dumarka, haddana waxey wada shaqeyn la leedahay abaabuleyaal kale si ay u hesho tirada rag iyo dumar ee laga dalbado. Waxey isu soo duntaa tiro u dhaxeysa 40 illaa 100 boqol, waxey ku xiran tahay hadba dalabka u yimaada.
“Waxaan ka helaa 500 oo Kenya shillings ah oo u dhiganta ($5; £3) halkii isu-soo bax ba, wallow siyaasiyiinta qeybtood ay yihiin deeqsiyaal,” ayey tiri Ms Mwazi. Sidoo kale ka qeyb-galayaasha ayaa Iyana hela mid u dhiganta lacagtaasi.
Mararka aysan jirin shaqadan, Mwazi kabo kuwa fudud ah (Saandal) oo ay kasoo iibiso suuqa ayey dib ugu iibisaa barteeda WhatsApp si ay uga hesho faa’iido.
Kenya, malaayiin doolar ayay murashixiintu u bixiyaan ol’oleyaasha doorashooyinka, qeybteed waxaa lagu soo kireeyaa dadka saameynta ku dhex leh baraha bulshada, si ay fadhiyadood ugu baahiyaan qoraalo xiisa leh.
Boniface Mwangi oo ah firfircoone waxa uu rumeysan yahay in hanaanka siyaasadeed ee dalkiisa Kenya u sameysan yahay hab kuwa bixiya qarashaadka badan la dooranayo.
“Hal murashax ayaa bixiyay $2 milyan si uu uga mid noqdo golaha baarlamaanka,” ayuu yiri Mwangi oo 2017-kii waayay kursi barlamaan oo uu u tartamay.
Haddii aan ku laabano Diana Mwazi, iyada, hooyadeed iyo labada caruur ee ka yar waxey ku nool yihiin hal qol oo ku yaala degaanka Kibera ee ah isku raranka ugu ballaaran Nairobi. Shaqadeydaan mar la aragta ah waxey rajeyneysaa inay ka hesho qarash ay ku dabbarto nolosha reerkeeda saboolka ah.
Dalka Kenya oo ugu yaraantii 70% ay dadkiisu ka yar yihiin da’da 35-ka sano, dhallinyaro badan oo codadkooda dhiibta maalinta doorashada (9 August) waa u muhiim murashax weliba ee u tartamaya kursiga Madaxweynaha, xubinnimada baarlamaanka iyo gudoomiyeyaasha gobollada.