Home / Arrimaha Bulshada / Xilli roobaadka iyo xanuunada ka dhalan kara biyaha fadhiya jidadka Muqdisho

Xilli roobaadka iyo xanuunada ka dhalan kara biyaha fadhiya jidadka Muqdisho

Himilo – Waddooyinka magaalada Muqdisho waxaa xilliyada roobka fariista biyo aad u badan oo saameyn ku yeesha isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Biyaha fariista laamiyada ayaa waxaa ka dhasha cudurro, iyadoo aanay jirin is xilqaan muuqda oo ku aadan in booyado looga saaro biyahan fariistay.

Sidoo kale, wuxuu burbur soo gaaray waddooyin muhiim u ahaa dadweynaha magaalada Muqdisho, iyadoo meelaha qaar ay ka qodmeen bohollo.

Dadka ayaa arrimahan oo dhan u aaneynaya in markii waddooyinka Muqdisho la dhisayey aan loo  sameyn biyo mareenno iyo meelo ay biyaha isugu tagaan, kadibna laga qaado.

Biyaha fariista waddooyinka haddii ay ku raagaan waxaa ka dhasha cuduro sifudud ugu faafi kara magaalada tiiyoo aysan jirin maamul u diyaarsan ka hortaga xanuunada faafa.

Muqdisho ugu yaraan afar goobood oo biyada roobku ay isugu ururaan ayaa ku yaalla ama haddii aan si kale u dhahno (Afar war) afartaba waxaa ag-ddeggan dad barakacayaal ah, duruufaha nololeed ee ku hareereysan uma saamaxayso inay iska illaaliyaan cudurrada ka dhalan kara biyaha dacal yaal.

Hadabada maxaa kamid ah xanuunada dilaaca xilli roobaadka

  • Xanuunada beerka ku dhaca.
  • Xanuunada bacteria yadu ay keento.

Xanuunada beerka ku dhaca.

 Xanuunada dhasha xilli roobaadka  waxa kamid ah xanuunada beerka ku dhaca ee loo yaqaan (hepatitis A and E). Labadan xanuun waa labo xanuun oo runtii aad u daran oo saameeya beerka iyo habsami u shaqayntiisa.

Waxaa keena feyrusyo (virus) ,waxa ayna ku dhacaan qofka oo biyo ama cunto wasakhaysan caba/cuna.

Xanuunka Daacuun-ka.

Waa xanuun kusoo boodo ah qofkana si kadis ah uu isugu arkayo biyo dareere ah oo xaga danbe ka socda .

Bacteriyada loo yaqaan vibrio cholera ayaa ku samaysa caabuq mindhicirada ibnu aadamka  kadib waxa luma nuugitaanka la nuugayay nafaqada iyo cuntada taas oo qofkana si toos ah u dhaafaysa.

DUUMADA.

Xanuunka duumada oo ay keento kaneecada teeda dhedig ayaa sababi kara dhibaato ilaa heer dhimasho. Meelaha biyo fadhiisanka leh ayay dhigtaa beedka (ukunta) oo heerarka  nolosheeda ku qaadata, marka ay koraanna way ka soo baxaan.

Side loo yareeyaa xanuunka duumada?

Waxyaabaha lagu yarayn karo waxaa ka mid ah in biyo-fariisiyada laga saaro ama xal kale loo helo, goobaha biyo qabatinka leh oo saliid lagu shubo, dadka oo la siiyo maro kaneecooyin, kareemo in laga marsado qaniinyada kaneecaa, qofka safarka badan oo qaata ka horta iyo qofka xanuusan oo la daaweeyo.

Qore: Cali Hilowle

 

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan