Home / Habka-Nolosha / Sidee farriin WhatsApp ah u badbaadisay 50 jir doonayay in uu isdilo?

Sidee farriin WhatsApp ah u badbaadisay 50 jir doonayay in uu isdilo?

Himilo – Dalka Talyaaniga, farriin WhatsApp ah ayaa badbaadisay nin doonayay in uu ka taqaluso naftiisa sida laga soo xigtay warbaahinta dalkaasi.

Booliiska maxaliga ah ee magaalada Rho ee dalka Talyaaniga ayaa ku guuleystay inay badbaadiyaan 50 jir doonayay in uu sameeyo ismiidaamin kaddib markii farriin WhatsApp ah uu si khaldan ugu diray booliiska.

Ninka da’da ah ayaa la soo warinayaa in uu farriinta u waday haweenay uu jecel yahay isaga oo ku tilmaamaya in uu doonayo in uu soo gabagabeeyo noloshiisa.

Nasiib wanaag, halkii uu farriinta gaarsiin lahaa haweenayda, waxa uu si khaldan ugu diray taleefanka sarkaal booliis ah oo ka shaqeeya magaalada.

Sida laga soo xigtay wargeyska Corriere della Sera, sarkaalka ayaa marka uu arkay farriinta waxa uu matalay in uu yahay haweenayda ninka isaga oo la sheekeystay si uu macluumaad uga qaato. Isla xilligaasi, sarkaalka ayaa xiriir la sameeyay qeybta booliiska.

Koox booliis ah oo baaritaan sameysay ayaa ku guuleysatay in ninka ay ka soo qabtaan xarunta tareenada Rho-centro ee magaalada kahor inta uusan isdhigin wadada tareenka.


About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan