Home / Arrimaha Bulshada / Talooyin aad uga hortagi karto oonka maalintaada soonka
Pouring fresh water on drinking glass over nature sunlight morning ,freshness concept background

Talooyin aad uga hortagi karto oonka maalintaada soonka

Himilo – Muslimiiinta ayaa ku sooma meelo kala duwan oo cimillo ahaan kala kulul. Degaanada qaar waxaa ka jira kuleyl badan kaas oo sababa inay aad u oomaan saa’imiinta. Ahmed Abdelaal oo ah madaxa xarunta saadaasha hawada ee Masar ayaa soo bandhigay talooyin uu sheegay inay dadka sooman ka caawin karaan inaysan dareemin oon badan. Waxyaabaha uu ku taliyay waxaa ka mid ah inaan qorraxda si toos ah laysku dhigin muddo dheer, in biyo badan la cabbo affurka ilaa Suxuurta inta u dhaxaysa marar kala duwan. Dhanka cuntooyinka wuxuu soo jeediyay in laga fogaado kuwa cusbada leh oo uu sheegay inay kuleyl badan u keeni karaan qofka siiba degaanada cadceedu kulushahay. Sidoo kale dhanka dhar xirashada wuxuu dadka sooman ugu baaqay inay xirtaan wax madaxa u daboola sida koofiyad iyo lebbisyada kale ku habboon kuleylaha. Dr Ayman ayaa dhankiisa wuxuu sheegay inaysan muhiim ahayn xilliga saxuurta inuu qofku biyo badan hal cabbo balse ay ka fiican tahay inuu tartiib-tartib u cabbo afur ilaa Suxuurta. Wuxuu intaa ku daray inaysan fiicneyn in lagu affuro biyo aad u qabow iyo kuwo ay ku jiraan waxyaabo dhiigga kicin kara, wuxuu ka digay dareeraha leh maadada coffee. Talooyinka ugu muhiimsan waxaa ka mid ah in la badsado khudaarta, biyaha, qaraha ayaa aad loo ammaan kaas oo la sheegay inuu 92% yahay biyo isla markaana qofka uu deg deg uga caawin karo inuu oon baxo.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan