Home / Macluumaad / TikTok: God madow oo ay ku hoobanayaan dhalinteenna

TikTok: God madow oo ay ku hoobanayaan dhalinteenna

Himilo – Horumarka deg-degga ah oo ay ku socoto tiknoolojiyadda lagu farsameeyo taleefannada gacanta, waxa ay ku qasabtay aadanaha inay soo saaraan barnaamijyo (applications) si fudud ula jaanqaadi karo mobile-da ku shaqeeya internatka.

Billawgiiba waxaa la hindisay kuwa qoraallada lagu wadaago, SixDegrees oo hawada soo galay 1997-kii ayaa lagu tilmaamaa midkii ugu horreyay oo casriyeysan, waxa uu durbadiiba noqoday mid dad badan soo jiidata oo in ka badan hal milyan oo qof ayaa ku xirnaa kahor inta uusan hawada ka bixin 2001-dii.

Sanadkii 2003-dii waxaa xigay barnaamijka Photobucket oo adeegsadayaasha u oggolanaayay inay sawiro ku wadagaan, iyaga oo u maraya fure-sireed uu lahaa.

Dabadeed waxaa soo baxay LinkedIn iyo MySpace oo horudhac u ahaa Facebook oo isagana hawada galay 2004-tii, sanad kaddib waxaa la hindisay barnaamijka muuqaalada lagu baahiyo ee YouTube.  Badi barnaamijyadan waxaa billawgii loo naqshadeeyay hab mareeg ah.

Wixii ka danbeeyay waqtigaasi, suuqa barnaamijyada lagu baahiyo muuqaalada waxa uu ahaa mid soo kobcaya, TikTok ayaana laba sano kaddib hawada soo galay bishii September sanadkii 2016-kii. Soo ifbixiisiiba waxa uu noqday sida faras cad oo lagu dhex daray kuwa mad-madow amaba booran oo markiiba waxa uu gaaray qeybo badan oo ka mid ah dunida, waxaa uu ka horumaray kuwa hortiis jiray.

Intii u dhaxeysay 2010 – 2019-kii, Tiktok waxa ka mid noqday shaxda tobanka barnaamijka ee ay lasoo dageen dadka ugu badan caalamka, oo tusaalle mobile-da ku shaqeeya hanaanka Android ee ku badan dalkeenna, in ka badan 1000 milyan oo jeer ayaa laga soo dejiyay, sida ka muuqata xogta googleplay-ga.

Dadka xilligaasi la degay ee billaabay isticmaalkiisa waxaa ka mid ah soomaali badankood joogga gudaha dalka, inkasta oo ay jiraan kuwa waqtigaasi kahor isticmaalayay bartaan ay ku wada xiriirto bulshada.

Internet-ka dalka oo ka qiimo jaban kan yaalla badi afrika inteeda kale, ayaa u fududeeyay markiiba in dhalinyaro boqolaal ah ay ku xoomaan TikTok, si ay ula jaanqaadaan saaxiibadooba kala ee horrey u isticmaalayay.

Qaarkood oo adeegsigan bartan kusoo biiray qiyaastii laba sano kahor, dadka raacsan ee ku tixan muuqaalada kookooban oo ay soo galiyaan fadhigooda waxay tiradoodu kor u dhaaftay hal milyan oo ruux.

Inkasta oo isticmaalayaasha Soomaalida ee Tiktok ay u badan yihiin dhalinyaro haddan waxaa jira tiro aan la dafiri karin oo dad waa wayn oo rag iyo dumar ba leh, kuwaasi oo midba badda ka galay dhinaciisa.

Marka laga yimaado dhalinyarada iyo dadka dadka da’da ah ee adeegsada TikTok, waxaa sidoo kale jira caruur da’doodu ka yar tahay tobanka sano oo isticmaalka bartaan qeyb ka ahay, waxaa ka mid ah Muwado Abshir oo dad ku xiran ay ku dhaw yihiin hal milyan oo qof.

Dadka adeegsada barnaamijkan waxey taageerayaashooda kula wadaagaan qeybtood muuqaalo faa’iido leh oo mudan ku dayasho sida, dhalinyaradii kaalinka ku lahaa u gurmashada dadkii ay saameynta taban ku reebtay abaartii ka dhacday dalka sanadkii hore iyo in kale oo sheekooyin gaagaaban oo maad leh u tabiya taageerayaashooda.

Waxaa xusid mudan iyana inay jiraan kuwa ku baahiya TikTok-ka xayeysiin si ay u kobciyaan ganacsigooda iyo in kale oo u sameeya xarumo ganacsi, iyaga oo halkaasi ka sameeyo lacago.

Mar laga soo tago dhalintaasi waxaa jira in kale oo aan tira-yareyn oo barta TikTok ku gudbiya heeso qoob ka ciyaara, waxey ku jaasaan hadba heesta markaasi suuqa soo gasha. Qeybtood oo u badan dumar waxey xiran yihiin dhar aan cowradoodu u astureynin, halka kuwa kalena ay ba madaxyada soo baneeysteen.

Qeybta tebinta tooska ah ee uu leeyahay TikTok, ayaa Iyana ku beertay dhalinta xanuun ay badankood ka fiyoobaayeen oo ah qabyaalad. Markii ay qaarkood galeen qeybtaasi waxaa la arkay dhalinayaro u gafeysa qabiilosoomaaliyeed, kuwa ku uurkacsanaya si ay u helaan haddiyado iyo in kale oo u qadfaya dumar walaalahood ah.

Qoyska oo ahaa dhibidka kaliya ee ka badbaaday mushkilidihii ka dhacay dalka, hadda waxa uu wajahayaa halis. Mushkiladihii ka dhex dhici jiray oo ahaa kuwa asturan markii ay ugu fogaatana gaari jiray waalidka si xal loogu helo, hadda waxaa la keenaa barta TikTok, iyada oo oorida iyo ninkeedaba ay is aflagaadeynayaan.

Dhaqan roggaan dhacay waxa uu gaaray guri weliba oo ay ku nooshahay soomaali, ha ahaado mid ku yaalla dalka amaba banaankiisee. Nasiib darro ma jirto cid u istaagtay wax ka qabashadiisa, marka laga reebo culumo fara-ku-tiris ah oo dhalinta kula biiray tiktok bal si ay ugu tilmaamaan wadada toosan, inta wax ka qaadataa ayaase yar.

Dowladaha dunida qaarkood ayaa bartaan ka xaniban dalalkood, waxeyna taasi tusaalle u tahay in xalinta mushkiladda ka dhalatay Tiktok oo ay wajaheyso bulshadeenna ay u baahan tahay gacan ka ballaaran tan shacabka oo dib u qaabeysa xogaha ay baahiyaan dhalintaan.

Waxaase jirta weydiin ay tahay in marka hore laga jawaabo taasi oo ah Yaa hooyo u ah mushkiladda ma Aaladda TikTok mise isticmaalaha?

About Sadia Nour

error: Copy lama Ogola Fadlan