Home / Habka-Nolosha / Tottenham oo heshiis la gaartay laacibka Fernando Llorente ee Swansea.

Tottenham oo heshiis la gaartay laacibka Fernando Llorente ee Swansea.

Muqdisho – Tottenham ayaa heshiis kala gaartay kooxda Swansea weeraryahankeeda  Fernando Llorente, sida ay warineyso Sky.

Sky Sports News ayaa fahamsan inay Spurs bilowday wada-hadallo ay kula soo saxiixanayso 32 jirkan Talaadadii, isla markaana waxay heshiis la gaartay Swansea shalayto.

Tottenham  ayaa Swansea kala heshiisay horraanti Arbacada, wuxuuna u wareegi doonaa kooxda kaalinta labaad ku dhameysatay horyaalka Ingiriiska xagaagi lasoo dhaafay.

Naadiga ah horyaalka Ingiriiska ayaa lala xariirinayay Llorente, laakiin waa looga adkaaday sida ay wax u muuqdaan.

Tababaha Swansea, Paul Clement ayaa sheegay in ay ku kalsoon yihiin in Liberty Stadium ay ku sii celiyaan Fernando Llorente  horraanti todobaadkan, hayeeshe maalinta ugu danbeysa suuqa ayuu ka bixi doonaa naadiga Swansea.

Spanish-kan heerka caalami ayaa kaga soo biiray Swansea naadiga Sevilla xagaagi lasoo dhaafay  wuxuu dhaliyay 15 gool intii lagu guda-jiray sanadkiisii koobaad ee  Premier League.

Llorente ayaa horay ula soo shaqeeyay tababaraha kooxda Chelsea, Antonio Conte markii ay ku wada sugnaayeen Juventus, 23 gool ayuuna dhaliyay 66 kulan oo uu ciyaaray horyaalka  Serie A.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

One comment

  1. Brain, shell gland, and ovary were removed then kept in the fixative for 48 h levitra generico contrareembolso

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan