Muqdisho – Sannado kahor waad rumeysan kartay in raggu kaga badan yihiin saxaafadda dumarka, in qof marwo ah aysan wada qabin karin mihnadda saxaafadda iyo shaqada guriga iyo in saacadaha xirfadan laga shaqeeyo aysan dumarka ku habbooneyn hase ahaatee sababahaasi oo dhan oo ahaa caqabadaha heystay dumarka saxafiyiinta ah way ka baxeen meesha hadda.
Shaqada saxaafadda iyo aragtida dumarka dibadda iyo gudaha waxaa iska badalay wax badan, waxaana dib loo qiray in haweenku si lamid ah jinsiga ragga ah ka shaqeyn karaan mihnaddan laakiin waxay u baahan tahay ka go’naansho iyo in qofku xiiseynayo xirfadda.
Isbadalada la xaqiijiyay wali waa billow, waxaana jira caqabado kale oo loo baahan yahay in laga gudbo sida mararka qaar oo dumarka aanan loo dirin shaqooyinka adag ee saxaafadda sida baarista danbiyadda iyadoo aysan jirin liidid haddana maamulayaasha qaar ayaa u baqa bad-qabka haweenayda oo ragga kaga nugul dhibaateynta.
Waxaa kale oo kamid ah caqabadaha mudan in la xuso in haweenka saxafiyiinta ah aysan helin dalacaad, dhowr daraasad oo arrintan laga sameeyay waxay muujiyeen in tiro yar la dalacsiiyo halka inkale oo yarna qabtaan jagooyin sar sare.
Soomaaliya, 27-kii sanno ee la soo dhaafay, shaqo kasta ayaa laheyd caqabadeeda waayo deegaanku ma aheyn nabad hase ahaatee saxaafaddu waxay ahayd tan la kulantay saameynta ugu badan.
Dhowr sanno kahor, dumarka ka shaqeynayay mihnaddan waxay ahaayeen fara-ku-tiris laakiin maanta tiro iyo tayo ahaanba waa kuwa la tartami kara jnisiga kale. Waxaana tani ammaanteeda leh isbadalka aragtida bulshadda ee la xiriirtay dumarka ka shaqeeya warbaahinta.
Waxaa kale oo leh dhiira-gelinteeda intii u dhabar adeegtay ee u dul qaadatay wax sheegga aan wanaagsaneyn islamarkaana ka dhabeeyay himiladooda.
Qeybaha kala duwan ee warbaahinta maqalka ah, kuwa la iska arko iyo kuwa la daabacaba, dumarka waxay uga shaqeeyaan si sinnaani ku dheehan tahay, mararka qaar waxaa dhacda oo aan goob joog u noqday in dumar badan loo tixgeliyo duruufahooda gaarka ah.
Wakhtigii hore, xirfadlayaasha saxafiyiinta gabdhaha ah waxay shaqadooda ku koobneyd barnaamijyo gaar ah oo aan la ogeyn cidda u far muuqday, weli arrintan xarumaha warbaahineed ee qaar ayay ka jirtaa laakiin waa dhaqan sii dhammaanaya.
Sacdiyo Nuur Ciid waxay hadda tahay gabadha keliya ee ka shaqeysa raadiyo ku yaalla Muqdisho, waxay qabataa shaqooyinka saxaafadeed ee u gaarka ah dumarka iyo kuwa kalaba, waxayna jinsiga kale ee ragga la qeybsataa shaqada idaacadda.
“ Waxaan qabtaa barnaamijyadda wiilasha loo tiiriyo, ha noqdaan kuwa la soo saarayo, war ama barnaamij iyo kuwii kale ee aan kala sinnaa gabdhaha,” ayay tiri Sacdiya.
Gabdhaha qaar waxaa loo gaar yeeli jiray barnaamijyo cayiman oo ay ka qabtaan raadiyaha ama telefishinka, waa uu sii idlaanayaa dhaqankan hase ahaatee weli waxa uu ku danbeeyaa xarumo badan.
“Waxay dib ugu laabanaysaa dhaqankii aan soo sheegay, sababtoo ah bulshadda ayaa aaminsaneyd in gabadhu aysan shaqo adag qabin karin, waa tan keentay in lagu soo koobo inay qabtaan barnaamijka haweenka,” ayay raacisay Sacdiya.
Laylo Muuse oo muddo ka soo shaqeysay saxaafadda Soomaalida, waxay qabtaa aragtida ah inay xilligan jiraan urruro u dooda xuquuqda haweenka oo difaaca kara.
Si kasta, sinnaan la’aanta dumarka iyo ragga ee shaqooyin badan waa arrin caalami ah oo ka taagan dalal badan.
Qore: Aa’isha Nor Aden