Home / Maalmaha Caalamiga / 12 September – Maalinta caalamiga ah ee iskaashiga dawladaha koofurta

12 September – Maalinta caalamiga ah ee iskaashiga dawladaha koofurta

Himilo – Dunida waxaa loo qeybiyaa laba dacal oo koofur iyo Waqooyi ah, Qeybinta mahan mid ku saleysan juquraafiga caalamka ee waxey ku qotontaa dano kale. Dhinaca la yiraahdoo koofurta oo ay ku jiraan dalal waqooyiga ku yaala waa dowlado dhaca koofurta ameerika, qaaradaha Asia iyo Africa oo lagu daro dalal jaziirado ah oo ku yaalla badaha Caribbean iyo Pacific.

Waddamadan oo badankood ku yaalla dhulbaraha dunida halka qaarkood ay kulaalaan, waxey wadaagan sifooyin isku mid ah oo dhaqan, dhaqaale iyo siyaasadeedba leh, inkasta oo ay masaafo ahaan kala fog yihiin.

Marka laga yimaado magaca koofurta dunida, waxaa mar kale la yiraahdaa dunida seddaxaad oo  ah maga c raacay wixii ka danbeeyay dagaalkii qaboobaa oo dalalka ka tirsan xulafada NATO ay qaateen magaca dunida 1aad halka kuwii ku midoobay WARSOW ay hantiyeen dunida 2aad, markaas oo dalalkii aanan raacsaneyn labada dhinac la siiyay magacan dunida seddexaad ah.

Wadamadan badankood waxaa lagu tirayaa kuwa soo koraya dhaqaalle ahaan, waxaase ku jira kuwa dhaqaalahooda uusan xooganeyn iyo in kale oo ka hooseysa heerka kobaca.

Waxey dalalkan mar kale wadaagaan mushkilado isku mid ah sida heerka saboolnimada oo sarreysa, ka faa’iideysiga kheyraadka dabiiciga ah oo hooseeya iyo dhaqaalahooda oo nugul.

Ku dhawaad 863 milyan oo ka mid ah dadka ku nool waddamadan oo marka loo eego boqoleyda ka noqonaya 33%, waxey ku nool yihiin degaannada isku raranka ah, sida ku xusan xog ay soo saaratay 2012-kii hay’adda deegaameynta u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UN-Habitat.

Marka laga yimaado dhinacyadan taban, magacooda midka ah waxa uu xanbaarsan yahay faa’iido aanan si rasmi ah loogu baraarugin waa tan iskaashiga oo dowladaha hormuray u horseeday baraaraha.

Mid ka mid ah shardiyada ku xirma dowladaha doonaya inay dhinac uun iskaashi ka yeeshaan waa inay jirtaa wax mideeya oo ay wada ilaashan karaan si wadajir ahna u horumarin karaan. Marka macnaha lagu dhereriyo dowladaha soo koraya waa mid ay ka bixi karaan.

Si loogu bararujiyo faa’iiidada ugu jiri karta iskaashiga ayaa Qaramada Midoobay markii ugu horreeyay sanadkii 2003-dii, u sameeyay maalin gaar ah taasi oo loo dabaal degayay 19-ka bisha December, wixii la xusaba, fadhi kale oo ay golaha loo dhan yahay yeesheen sanadkii 2011 ayey maalintan usoo rareen 12-ka bisha September, taasi oo wixii xilligaa ka danbeeyayba la maamuuso sanad weliba.

Waaxda iskaashiga koofurta ee qaramada midoobay iyo hay’adaha kale ee ka shaqeeya iskaashiga dowladaha koofurta ayaa kulamo qabto maalintan, halkaasi oo lagu falaqeeyo caqabadaha la wajahayay iyo fursadaha horyaala ee mudan in laga faa’iideysto.

Waxaa kulamadan martigeliya hadba dowlad ka mid ah dalalkaasi, tusaalle midka loo madlan yahay ee billaabanaya maanta socon doona illaa 14-ka bishan waxaa marti loo yahay Thialand iyada oo lagu qabanayo caasimadeeda Bangkok.

Ajandeyaasha looga hadlayo shirka waxaa ka mid ah, Sida iskaashi dhex mara uu gacan kaga geysan kara soo kabashada dowladaha oo uu si taban u smaaeyay xannuunkii karoonaha.

In la farmuuqo meelaha ay culeysyadu ka jiraa si iskaashi xoogan looga yeesho iyo in dib u eegis lagu sameeyay waxyaabihii la isla meel dhigay sanadkii hore si loo ogaado waxa ka hirgalay iyo dib u dhac haddii uu jiro.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan