Home / Cayaaro / Inter Milan vs. Barcelona – Kulanka Lugta Labaad ee Semi-finalka Champions League

Inter Milan vs. Barcelona – Kulanka Lugta Labaad ee Semi-finalka Champions League

Himilo – Kooxaha waaweyn ee Yurub ee Inter Milan iyo Barcelona ayaa caawa isugu soo haray lugta labaad ee semi-finalka Champions League, iyadoo kulanka ka dhacaya garoonka San Siro lagu go’aamin doono kooxda u gudbeysa finalka tartanka.

Labada kooxood ayaa barbaro 3-3 ah ku kala baxay kulankii lugta hore ee ka dhacay Montjuic toddobaadkii hore, iyadoo Inter Milan ay goolka hore ka dhalisay daqiiqadii ugu horreysay ee ciyaarta – rikoodh cusub oo noqday goolkii ugu degdegsanaa abid ee semi-final laga dhaliyo Champions League.

Kulanka caawa ayaa lagu wadaa inuu noqdo mid xamaasad badan, iyadoo Inter ay rajo weyn ka qabto inay kusoo afjarto riyada Barcelona. Inter, oo mar hore tartankan ku guuleysatay 3 jeer, ayaa ku jirta rikoodh adag oo ah 15 kulan oo xiriir ah oo aysan guuldarro kala kulmin garoonkeeda San Siro tartankan.

Barcelona oo iyaduna ku guuleysatay tartankan 5 jeer, ayaa dhinaceeda kusoo laabaneysa ciyaarta iyadoo haysata weerar xoogan, waxaana wacdarro ka dhigaya da’yarka Lamine Yamal oo tartankan ka dhaliyey 5 gool iyo Raphinha oo qeyb ka ah 20 gool oo kooxdu dhalisay.

Si kastaba, kooxda tababare Hansi Flick ayaa wajahaysa taariikh adag, maadaama aysan wax guul ah kasoo hoynin afar semi-final oo ay marti ahayd, iyadoo sidoo kale ay si xun ula dhacdo kulamada ay ku ciyaarto gudaha dalka Talyaaniga.

Dhinaca dhaawacyada, Inter ayaa weli sugaysa taam ahaanshaha weeraryahankooda Lautaro Martinez, halka Barcelona ay caawa ka maqan yihiin difaacayaasha Jules Kounde iyo Alejandro Balde. Robert Lewandowski ayaa laga yaabaa inuu kusoo laabto safka keydka.

Kulankan ayaa go’aamin doona kooxda la ciyaari doonta Arsenal ama Paris Saint-Germain finalka Champions League ee xilli ciyaareedkan.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan