Home / Dhaqaale / Malaayiin jarmal ah ayaan awoodin iney iska bixiyaan qarashaadka safarka

Malaayiin jarmal ah ayaan awoodin iney iska bixiyaan qarashaadka safarka

Himilo -Xogo ay dabool qaadday hay’adda tirakoobka yurub ee magaceeda loo soo gaabiyo (Eurostat) ayaa lagu ogaaday in malaayiin ruux oo jarmalka u dhashay aysan awoodooda dhaqaale dhammeyn iney iska bixiyaan qarashaadka safar ee xilliyada fasax.

Macluumaadka Eurostat, ayaa lagu muujiyay in qof kamid ah toddobadii ruux ee jarmal ahiba sanadkii hore awoodi waayay inuu sitimaan ku soo qaato goob dibadda ka ah hoygiisa.

Taa baddelkeeda, tirokoobku waxa uu shaaca ka dhigayaa in hoos udhac joogta ah uu kusocdo tirada muwaadiniinta jarmalka ah ee aan karin safar xilliyeedka.

Sida ku cad tirakoobka, xaaladdu waxa ay noqoneysaa mid ka liidata wadamo badan oo qaaradda yurub kula yaala Jarmalka.

Marka la eego xogta Eurostat, tirada ugu badan dhibanayaasha qaddiyadaan waa keli noolayaasha iyo waalidiinta.

Ninka hogaamiya xisbiga dhanka bidix u janjeera “Bernd Riexinger”  ayaa mar uu ka hadlayay arrintaan yidhi “Saddex doleel – doleel ka mid ah waalidiinta jarmalka ayaan awoodin in caruurtooda ka dabbaraan qarashaadka damaashaadka fasaxa.

Mr Bernd ayaa intaa sii raaciyay in shan u dhig – dhig kamid ah muwaadiniinta hawlgabka ah ee jarmalka aysan qudhooda awoodin iska bixinta qarashaaka safarka, isagoo rumeysan in dhibaatadaan kulmisay dhallinyaro iyo Duqoow.   

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan
preload imagepreload image