Markii ay dhacday dowladii dhexe ee dalka sannadkii 1991-kii, waxa uu dalka guda galay wareer guud oo saameeyay amniga, midnimada, iyo hab maamulka howlaha muwaadiniinta, waxaana awoodda maamulka la wareegay kooxo wakhtigaasi sheeganaayay inay matalaan qabiilada qaar kuwaas oo u istaagay ilaalinta danaha qabiiladooda.
Taariikh ahaan iyo farsamo ahaan wax dhib ah kuma jiro ummadaha inay hoos galaan qabiiladooda haddii ay waayaan dowlad u kala hagaajisa danahooda si ku saleysan muwaadinnimo laakiin hoos gelida qabiilka mar walba waxaa saxsan inay raacsanaato shuruudo si ku-meel-gaar ah ka dhigaya nidaamka qabaliga ah mid masaalixda dadka u kala hagaajiyo iyadoo isla shuruudahan la rabo inay damaanad qaadaan nabad galyo ku wada noolaanshaha qabiilada kala duwan oo ay ka dhacday dowladii ay ku mideysnaayeen , taasina waa wax aan ka dhicin wadanka .
Nidaamkii qabaliga ahaa ee wadanka wuxuu la mid ahaa nidaamyo si caadi oo ku-meel-gaar ah ummadaha ay u qaataan markii ay ka dhacdo dowladoodii dhexe ama fowda wadanka uu gudo galo hase yeeshee nidaamka qabaliga ah ee wadanka wakhtigaas laga hirgaliyay waxa uu ku saleysnaa qaab marxalada nidaam qabiileedka in la isku maamulo ka dhigeyso mid waligeyd soconeyso oo aan kasoo laabasho ama ka gudbis laheyn, haddaba maxay ahaayeen qoddobadii khalday nidaam qabiileedka wadanka ka hirgalay dhicidii dowlada dhexe kadib.?
Nidaam qabiileedkii ka hirgalay wadanka oo ku saleysnaa qabiil walba in maslaxadiisa uu ilaalsado waxaa hoggaanka u qabtay hoggaamiyayaal miisaan diin, aqlaaq iyo wadaniyad midna aan laheyn oo uu dhaqankoodaba yahay dhicid , xoogid iyo qaadasho, taasi oo ka dhigtay inay dhacaan dagaalo qabiileed u dhexeeyay mooryaanta oo ka dhigay dadkii inay isku qaadaan uur-ku-taalo la abuuray oo asaas xoogan aan laheyn .
Oggolaansho aan toos aheyn oo dadweynaha caadiga ah ay u muujiyeen mooryaan kooxeedyada iyagoo sida aan qiyaasayo islahaa ugu yaraan moryaanka ku soo xigo xaafadihiisa waad ku dhex badbaadee .
Sababahan waxay ka dhigtay nidaamkan qabaliga ah mid kahor istaaga wadanka u gudbista nidaamka dowladnimada iyo muwaadinnimada. Sannadkii 2000, dowlada dariska iyo walaalaha aan nahay ee Jabuuti ayaa waxay Soomaalida u fidisay fursad gogol nabadeed oo Jabuutiyaanka ay ka rajeyeen inay ku dhisaan maamul dowladnimo oo ummada Soomaaliyeed yeelato.
Sida la filayay si ka duwan gogosha waxaa qabiiladii Soomaalida u soo fariistay oo qabiiladii la marti qaaday ka mid ahaa hoggaamiyayaashii mooryaanta ee ka madax banaanaa aqlaaqda iyo wadaniyadda, kuwaas oo gogoshii ku aasaasay nidaamka 4.5 oo hoggaamiyayaashaasi ay u dajiyeen oo keliya sidii ay ku kala heli lahaayeen kuraas iska agdhaw oo ay ku fadhiistaan iyagoo marna qadarin iyo qiimeyn aan u heynin masuuliyadda kuraasta iyo xitaa masuuliyadda ay sheeganaayaan in qabiiladooda ay u hayeen.
Nidaamkan 4.5 oo u eg in lagu gacan biddixeeyay xuquuq matalida arrimaha siyaasada qabiilada qaar ee wadanka ayaa waxaa kale oo lagu gacan biddixeeyay dadkii wanaagsanaa ee aqoonta iyo aqlaaqda u saaxiibka ahaa , waxaana meesha ka abuurmay aragti xoog badan oo qeexaysa (dadka wanaagsan iyo siyaasadda hala kala saaro), waxaan ula jeedaa dhammaan arrimaha muwaadiniinta ee amniga , wadooyinka , lacagha, suuqa, baasaboorka iyo xiriirada dibada ,aragtidaasi waxay ka dhigtay qof walba oo lagu tuhmayay wanaag oo Soomaali ah in laga ilaaliyo ama xitaa iyaga ay iska ilaaliyaan inay ku dhex lifaaqmaan siyaasadda, , iska dhaaf wax kale, waxaaba soo baxay kooxo ku doodaya siyaasadaba in been iyo mugdi darteed loogu bixiyay magaca siyaasadda .
Isma diideyso siyaasadda inay u baahantahay maareen, caqli iyo farsamooyin dadka iyo maslaxadohooda lagu kala hago iyo in siyaasadaasi ay ka hufnaato been iyo cadaalad darro , maxaa yeelay siyaasadda waa hagaajinta arrimaha muwaadiniinta , si loo hagaajiyo arrimahan waxaa cad in loo baahnaanayo farsamooyin, caqli iyo wax qiyaasid ku saleysan run , cadaalad , hufnaan oo aysan siyaasaddu hagaageyn la’aantooda.
Aragtidii siyaasadda iyo dadka wanaagsan hala kala saaro waxay noqotay hal-ku-dhegga dowladihii kala duwanaa ee ka dhismay wadanka tan iyo 1991, waxayna noqotay natiijada aragtidaas sida aan u jeedno oo ah in gacanta aan lagu heyn dal iyo dadba.
Dadka wanaagsan ha ahaadaan dhallinyaro, odayaal , macallimiin, taajiro iyo sabool, waxaa maanta hortaala masuuliyadda dalka iyo dadka oo wakhti hore xitaa saarneyd , xaalada dalka ma isbaddaleyso illaa dadka. wanaagsan ay horboodaan ummada .
W/Q: Abdinasir Shide
Qoraa iyo fallanqeeye arrimaha dalka iyo Carabta.