Himilo FM –Burburkii ku yimid nidaamka wadanka ka talinayay 1969-1991 wuxuu saameeyay nidaam dhismeedka maamuladdii kale ee ka danbeeyay isago xitaa raad ku yeeshay xarigyadii bulshada ee loo maleynayay inay asaas u yihiin wadaniyada iyo muwaadinnimada.
Burburkaas kaddib waxaa soo baxay dadka wadanka inay ku danbeyso waliba si xoog badan caqliyadii wax qeybsiga ee duurjoogta ee ah in midka xoogga u saaxiibka ah uu cunno midka ka tabar yar iyadoo miisaanka ixtiraamka iyo awood qeybsiga ay wax badan iska badaleen.
Shaqsi ahaan iyo qabiil ahaanba, taasi waxay keentay badanaa shacabkii dalka inay u arkaan nidaamkan cusub ee duurjoogta in uu ugu yaraan u kala ilaalinaayo danahooda qabaliga ah ee qabiil walba.
Inkastoo nidaamkaasi isku dhaqaan ummadaha xadaaro ahaan iyo hormar ahaan billowga ah ayaa haddana dadkii ku soo dhaqmay waxay nagu dhaameen qurxinta nidaamkan oo ah iyadoo qabiil walba uu u madax bannaan yahay raadinta maslaxadiisa iyo jiritaankiisa haddana waxaa lagama maarmaan noqoneysa inay hormariyaan qabiilada wadooyin iyo sharciyo yareynaya isku dhacyada qabiilada wada raadinaya maslaxadooda oo ay badantahay mararka inay iska hor imaan karaan.
Aasaaskii maamuladii ka danbeeyay maamulkii militariga waxaa la shaaciyay in lagu heshiiyay nidaamkii duur joogta oo la sharciyeeyay kaas oo qaatay eray bixinta afar dhibic shan (4.5) oo micnaheedu yahay in maamulka wadanka loo qeybsado si aan cadaalad aheyn.
Qoraalkan ma doonayo inaan ku faahfaahiyo dhibaatada iyo culeyskii uu soo kordhiyay nidaamkan duurjoogta wax ku qeybsato hase yeeshee waxaa qasab ah inaan cadeyno inuu ka soo mid noqday nidaamyada wadanka ka hirgalay ee aan ku sameynay maamulo oo waxa ugu yar aan dhihi karno tahay hal xatooyo nirig xalaal ah ma dhasho.
Waxaa kale oo soo baxay qeybo dadkii wadanka ka mid ah oo si xoog badan uga falceliyay haba ugu badnaadaanee wadaado diimeed oo iyagana dhinacooda miiska soo saaray in diinta ummada lagu dhaqo , isla aragtiyada dadka ay isla dhexmarayeen si wareerka 30-ka sanno ku dhaw looga baxo waxaa kamid ah aragti ku saleysan in xisbiyo maamulka lagu dhiso.
Nidaamka xisbiyada oo caqliyadiisa ay ku saleysan tahay ku mideysnaanta fikirka siyaasadda, dhaqaalaha iyo maamulka ee koox is aruursatay ayaa u muuqdo nidaamka ugu habboon ee ummada looga samato bixin karo maamul xummada na dhaxalsiisay kala go’a ummada Soomaaliyeed.
Inkastoo nidaamka xisbiyada uusan ka tarjumeynin dimuqraadiyada haddana waxa uu ka mid yahay wadooyinka u gogol xaaraya nidaamka dimiqraadiyada, waan dareensanahay erayga siyaasiga ah ee dimuqraadiyada iyo xisbiyada in dad badan ay xasaasiyada ka qabaan haddana waxaa qasab ah in dadka aan u cadeyno kala duwanaanshiyaha u dhexeeyo labadan eray.
Dumiqraadiyada waa in dadka loo gacan geliyo awooda xukunka iyagoo soo dooranaya si toos ah dadkii xukumi lahaa iyo dadkii hay’adaha wadanka halka nidaamka xisbiyada uu yahay nidaam dadka u mideynayo si koox koox ah iyagoo ku mideysan aragti siyaasadeed oo dabooleysa dhammaan dhinacyada nolosha.
Nidaamkan xisbiyada waxa uu suurto gelinaa ama uu sahlaa in dadka ku dabaqaan nidaamkii dimuqraadiyada iyagoo kala xulanayo aragtiyada siyaasadeed ee xisbiyada iyo dadka matala.
Way adagtahay si sahlan ama si dhaqsi ah wadanka in uu ku galo marxalada dimuqraadiyada hase yeeshee waxaa hubaal ah dhammaan dhaqdhaqaayada nidaamsan ee ka socdo wadanka haba yaraadeen noo horseedi doonaan meel naga dhigi doonta inaan u aragno nidaamkan mid maslaxada dadka iyo dalka uu ku jiro in lagu dhaqo.
W/Q: Abdinasir Shide