Himilo – Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Mauricio Pochettino ayaa mudnaan siinaya ku laabashada kooxdiisii hore ee Tottenham Hotspur, sida ay wararku sheegayaan.
Mustaqbalkiisa kooxda ka dhisay Faransiiska ayaa la sheegayaa in uu mugdi ku jiro iyada oo tababarihii hore ee Real Madrid ee Zinedine Zidane loo diyaariyay in uu badalo 50 jirkan.
Si kastaba ha ahaatee, Talksport ayaa hadda soo warineysa in Pochettino uu doonayo inuu ku laabto Waqooyiga London oo uu ku biiro Spurs beddelka United.
Pochettino ayaa laga ceyriyay Tottenham bishii Nofeembar 2019, kaliya bilo ka dib markii uu kooxda ku hogaamiyay finalkeedii ugu horeysay abid ee Champions League, ka hor inta aan loo magacaabin PSG Janaayo 2021.