Home / Cayaaro / Tuchel : Messi si weyn ayaan ugu soo dhaweynayaa PSG

Tuchel : Messi si weyn ayaan ugu soo dhaweynayaa PSG

Himilo – Tababaraha Paris Saint-Germain Thomas Tuchel ayaa sheegay in Lionel Messi si weyn loogu soo dhaweynayo kooxda xilli ay soo baxayaan wararka sheegaya in laacibka uu ka tagayo Barcelona.

Messi ayaa la rumeysan yahay in ay markan dhab ka tahay ka tegista kooxda reer Catalan kaddib guuldarradii niyad jabka laheyd ee ka soo gaartay Bayern Munich.

Kooxo badan sida Inter Milan, Manchester City iyo PSG ayaa lala xiriiriyay 33 jirka toddobaadyadii ugu danbeeyay.

Tababaraha PSG Tuchel oo ka warcelinayay su’aal la weydiiyay ayaa xusay in uu jeclaan lahaa in uu tababare u noqdo laacibka Koonfurta Ameerika.

Si kasta, madaxa PSG ayaa tilmaamay in weeraryahanka uu ka dhammeysan doono xirfaddiisa Camp Nou.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan