Home / Arrimaha Bulshada / Xajka iyo xaaladaha u gaarka ah Xujeyda Soomaalida

Xajka iyo xaaladaha u gaarka ah Xujeyda Soomaalida

Himilo – Xajku waa rukniga shanaad ee ay diinta Islaamku ku dhisan tahay, waana waajib Ilaahay faray ummadda Islaamka ah qofkii awoodi kara ugu yaraan hal mar oo qofka cimrigiisa ah. Xajku waa qasdi uu qofku u qasdiyo Baytulxaraamka isagoo cibaadaysanaya. waqtigii la waajib yeelay xajka waxay ahayd sannadkii sagaalaad ee Hijriyada Ilaahayna uu dadka faray inay xajiyaan haddii ay awoodaan.

Intii ka horreysay waqtigaas waxaa awood ku lahaa Maka mushrikiintii Qureysheed, waqtigaana Nebiga (s.c.w.) iyo asxaabtu ma aysan awoodin in ay si fiican u gutaan xajka.

Xajka qofkii diida ama inkira waa gaal haddii aanu jaahil ka ahayn arrinta xajka, tusaale ahaan haddii uu yahay qof mar dhaw soo islaamay oo kale oo aan si fiican u garanayn xukunka xajka qofkaas waa loo cudur daarayaa.

Dhinaca fadligiisa haddii aynu fiirinno aad bay uga warramayaan nusuusta Quraanka iyo axaadiista Rasuulkaba, haddii aynu soo qaadano xadiis saxiixaynka ku sugan oo uu wariyay Abuu Hureyra waxaa uu yiri:” Rasuulka (CSW) ayaa la weydiiyay camalka ugu fadli badan ?” Rasuulku (CSW) wuxuu yiri:” in Ilaahey iyo Rasuulkiisa (CSW) la rumeeyo,” ka bacdi waxaa la yiri:” maxaa ku xiga?” wuxuu yiri:” Rsuulku (SCW) Jihaad Ilaahay dartii loo galay”, kabacdi waxaa la yiri:” maxaa ku xiga?”.” Wuxuuna yiri:” Xaj Baari ah”..

Waxaa kaloo Rasuuku (CSW) yiri xadiis uu Abuu-Hureyra ka warinayo in ay xujayda iyo dadka cimrada gudanayo ay yihiin wafdi Ilaahay oo ducadooda la ajiibo, haddii ay Ilaaha dambi dhaaf weydiistaana laga aqbalo oo loo dambi dhaafo. sidoo kale wuxuu Rasuulku (CSW) ku tilmaamay in xajka abaalmarintiisu tahay Janno.

Bilaha xajku waa bisha Shuwaal (Soonfur), Dulqacda (Sidataal) iyo tobanka beri (maalmood) ee ugu horreysa bisha dulxaj (Arrafo).

Sanado badan oo si nabadgalyo ah muslimiinta  ay xajka u aadijireen sanadkii 2019 markii uu soo baxay virus-ka Covid-19 duniduna ay kala xirantay waxaa soo kordhay culeysyo badan oo xujeyda soo fuulay si Caafimaadka muslimiinta masjidka xaramka imaanaya loobadbaadiyo, taasi waxay dhashay in ladhimo tirada xujeyda Caalamka.

Buuq xooggan ayaa ka dhashay sanadkan xajka iyo lacagaha lagu aadayo xilli maamul goboleedyada qaar ay saluugeen qaab qeybsiga tirada dadka ku soo aadeysa oo maamul-goboleedyada loo qeybiyey. Gudiga tartan-ka adeegga xajka ee wasaarada diinta iyo owqaafta Soomaaliya ayaa soo saaray jaan-gownta sicirka adeegga xajka ee sanadkan 1443H. Qarashka loo jaangooyey sanadkan in lagu tago Xajka waxay dowladu ku sheegtay 5230 doollar oo aad uga badan dalalka kale ee duniga lacagaha dadka muslimiintu ay ku soo aadayaan xajka.

Qiimihii sanadkii hore (2021) ayaa ahaa 3800 halka sanadkan (2022) lagaarsiiyey 5230. Qiimaha lacagta lagu aadayo sanadkan waxaa ka dhashay buuq xoogan iyo isqabqabsi weyn. Soomaaliya sanadkan waxaa ka baxaya xujey gaareysa Shan kun oo xaaji. Wasiirka diinta iyo owqaafta Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa sheegay sababta lacagta loo kordhiyey inay tahay sidii dadka Soomaaliyeed ee xujeyda ah ay u heli lahaayeen adeeg fiican iyo hoy aan ka fogeen xaramka.

Waxaa qoray: Cali Hilowle

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan