Home / MAQAALO / Maxaa helay Kaskii Hooyo-nimo ee kartida lahaa?!

Maxaa helay Kaskii Hooyo-nimo ee kartida lahaa?!

Muqdisho – Dunida maanta aanu guudkeeda dul maashoonayno waxa ay tahay mid wajiyo badan, waxa wiiqmay wax walba oo lagu farmuuqi jiray in ay yihiin wax tayaysan, toosan, tiigsimaad leh  oo lagu tashan karo.

Balse tan maanta la arko ma aha mid ku taagan lugo toosan, Waxaa humaag  galay dhan walba oo nolosha ay ku tiirsan tahay, tusaalaha ugu dhaw ee aan ku lafa guri doono maqaalkaanna waa dayaca dumarkeenna qaar ay u geystaan dhallaankooda.

Qiimaha ay hooyo kasta leedahay ayaa ah mid aan lagu soo koobi karin maqaal iyo wixii la mid ah, waxaan dhamaanteen ogsoonnahay in naxariista dhabta ah iyo jaceelka aan shuruuda ku xirneyn laga heli karo hooyo oo kaliya. Waa marka uu lahaa qoraagii iyo gabyaagii reer Masar Axmed Shawqi “Udugga ugu carfoon waa kan hooyo, Jaceyl kan ugu hooreyana waa kan hooyo, xusuus tan ugu macaanne waa dhunkashada bishimaha hooyo, halka taabashada ugu fiicanna ay tahay tan hooyo oo ay ku larantahay naxariista”.

Dhaqan kasta iyo diin kasta waa lagu amaanay hooyo, ma jirto  ummad aan ixtiraam iyo qadarin u hayn hooyada, waa arin dabiici ah in aan qalbiyadeenna ka dareenno hilow iyo jaceyl aan qiyaas lahayn marwalba oo aan hooyo xasuusano.

Tiiyoo la moodo in kala durugsanaan micno ku salaysan uu ka dhex jiro Hooyooyinkii barisamaadka iyo kuwa la nool horumarka dunidaan maanta.

Hooyadii hore sida ay indheergaradku sheegaan waxa ay hadafka ugu weyn nolosha u aragtay sidii ay u barbaarin lahayd ubad mustaqbalka anfaca, nolosha oo dhanna waxay ka lahayd hal u jeedo oo kaliya taaso ah Koriimada hagaagsan ee dhallaanka.

Ma jirin wax kale oo ay kaga ilduufi jirtay, sidoo kale ma ay dhici jirin in ay garan wayso xanaanada ay u baahi qabaan ilmaheeda, guud ahaan bulshadii hore ayaa waxay qiimo wayn u haysay mansabka hooyo-nimo, inan kastana waxaa loo carbin jiray sidi ay ku noqon lahayd hooyo gudata waajibkeeda.

Sidoo kale Hooyooyinkii hore waxay barbaariyeen fac dhan walba ka dhisan, marna ma aysan dhici jirin in ubadku ay heli waayaan daryeelkii ay xaqa u lahaayeen, waxay lahayd dareen fog oo ku qotoma mustaqbalka umadda, daruuf walba iyo xaalad kasta oo timaada waxay ku wajihi jirtay dareen hooya-nimo.

Jiilkii hore waxay nasiib u yeesheen in ay helaan hooyo ka korisa maskaxda iyo jirka waana taas sababta loo yiraahdo dadkii hore ayaa ka dadnimo iyo karti wanaagsanaa jiilka maanta.

Marka aan soo qooraansanno noloshan casriga ah waxa inoo soo baxaya in wax walbaa ay isku rogayaan caksi islamar-ahaantaanna ay sii wiiqmayaan astaamihii lagu garan ogaa hooyo.

Faca soo socda ayaa waxaa ku Foolan mustaqbal mugdi ah  marka la fiiriyo sida ay u dhaqanto hooyada maanta Jirtaahi.

Burburkii dalka ka dib wallaw dumarka kaabadda koobaad u ahaayeen hab nololeedka qoyska haddane docda kale waxa aad u soo if baxay hooyo aan la iman xilkasnimadii lagu yaqiin haweenkeenna oo dayac kula kacda dhallaanka.

Waa habacsanaanta uu dalku ka galay dhan walbaa oo geestii aad soo qabataaba aad isleedahay ka daran dhinicii hore.

Hayeeshee qubarada cilmiga bulshada ayaa sheegaya iney ugu wacantahay hab barbaarka hablaheenna oo kolkii hore nasiib u helay hooyo lagu xushay karti iyo garaadba balse manta duruufo aan kala har lahayni ka dhigeen kuwa ka gaabiya waajibaadka hooyo-nimo.

Inkastoo sababaha loo tiiriyo faham darrida hooyada manta ee ku qotomo fududeysiga abaabinta ubadka ay yihii kuwa aan la oran Karin hal iyo labo oo ay adagtahay go’aan ka gaaristoodu, haddana waxa durbaba maskaxdu soo qabataa dhawr arimood oo ay ugu horreyso kala dhantaalanka ku dhacay waalidiinta iyo caruurtoodii 91-kii kaddib.

Waa midda la dhihi karo wey ugu tun weyntahay sababahaas marka la majeersado sida aysan fursad hagaagsan ugu helin qudhooda barbaarintii loo baahnaa oo ay ugu wacantahay naf la cararkii lagu jiray iyo halganka badi hooyooyinka ay u galeen nolol maalmeedka, maadaama aabayaw fara badan ay salfatay colaadda, qaarna ay lafahooda la baxsadeen.

Inkastoo sidaas ay tahay kama dhigna in hooyo walbaa aan laga rabin xanaano, naxariis, quudin iyo waliba wax walbo oo ay u aragto iney muhiim u tahay kobcinta ama barbaarinta ubadka iney muhiim u tahay.

Wey dhacday in la arko hooyo jeexii Eebe ka beeray ku tuurtay banaan cidlo ah sababtii ay doonto haku kaliftee, wey dhacday in la arko hooyo awoodi weysan heesashada dhallaankii uu eebe ka beeray, wey dhacday hooyo dugsiinta canugeeda ka door biday daafwareeg iyo darbi fadhiisi. Wey dhacday in la arko hooyo dayac ay sameysay dartiis ubadkeedii dunida uga tagay, weyna dhacday in la arko hooyo buuxin weysay kaalintii ay hooyadeed iyada ka soo martay.

Waa ceeb bar kamid ah mujtamaca adigoo ah haddana inaad ku guuleysan weyso kaliya daryeelka iyo dugsiga uu kaaga baahan yahay canugaada, waana laga haboonyahay adigoo ah Madarasadii bulshada in aad soo saarto jiil fikir ahaan iyo akhlaaq anaanba aan wanaagsaneyn ama liita.

Sida uu qabo Michael Korda qoraaga reer BritanMuuqaalka kaliya ee mideeya guuleystayaasha dunida ayaa ah qaadashada mas’uuliyadda, waxaana ugu horreeya mas’uuliyadda hooyo-nimo.”

Ma ahan waxa aan la gaari karin ee kaliya waxay u baahan tahay u soo jeesashada buuxinta kaalintii uu eebe kuugu doortay bulshada.

Qore: Hanaa Maxamud Maxamed.

Kala xiriir: farriin-danabeed; Umayma58@gmail.com

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan